Sök

Loo geystay rabshadaha qaraabada

Dembiyada dadka xidhiidhka dhow wada leh waa marka laguu geysto noocyada kala duduwan oo  waxyeelo/dhibaato ah sida hanjabaad, gacan ka hadal,  maskax kadilid ama xadgudubka galmada ee qof aad xidhiidh-dhow leedihiin uu kuu geysto. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa lamaane ama dad hore u ahaa lamaane, waalid, walaalo ama carruur.

Waxay kale oo ay ku saabsanaan kartaa waxa loo yaqaano dambiyada la xidhiidha sharafta. Waa dambi loo gallo si loogu ilaaliyo ama loogu soo celiyo sumcadda qof, qoys ama reerka sida ku saleysan aragtida laga qabo sharafta.

Booliiska ayaanu wax shaki ahi kaga jirin. In qof kugu dhow loo geysto waxyeelo, hanjabaad ama xadgudub ay dambi culus tahay. Haddii adiga ama qof kale oo aad taqaano – qof weyn ama ilmo – wax loo geystey, la soo xidhiidh booliiska. Halkan waxaad ka ogaan doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida dacwada loo sameeyo, waxa dhacaaya hadhow iyo sida aad taageero u heli karto. 

In dacwad la sameeyo

Si aad booliiska ula soo xidhiidhto, wac 114 14 ama booqo saldhigga booliiska ee kuugu dhow. Markasta wac 112 wixii xaaladaha degdega ah. Booliisku waxay kaa qabanayaan dacwadaada, laakiin waxay sidoo kale kaaga jawaabi karaan su'aalo iyagoo kuu gudbin kara hey'addaha gargaarka ama kamuunka/degmada aad degan tahay.

Wareysi ayaa badanaa la qabtaa marka dacwada la sameynaayo. Waxa sidoo kale adiga laguugu yeedhayaa wareysi ka dib marka uu booliisku dacwadaada kaa qabto. Waana muhiim inaad waxa dhacay sida ugu faahfaahsan ee suurto galka ah ugu sheegto. Booliisku waxay adiga su'aalo kaa weydiin karaan waxyaalaha ay ka midka yihiin:

  • Hatidaada, dagaal ama danbi kale oo noocee ah ayaa adiga laguu geystay? 
  • Qofma ama cidee ayaa kuwaas kuu geysatay?
  • Goorma ayay taasi dhacday? Ma muddo dheer ayay socotay?
  • Miyey markhaatiyaal jiraan?
  • Miyaa cadeyn kale la hayaa, tusaale ahaan sawiro, sms, diiwaanka caafimaadka?


Haddii uu dhaawac ku soo gaaray waa inuu dhakhtar dhaawacaaga diiwaangeliyaa, oo uu sawir ka qaado, Keydso sidoo kale wixii hanjabaad ah ee cajalada telefoonka laguugu duubo, emayl ama sms laguugu soo diro. Ka fikir cidda laga yaabo inay aragtay dhaawacyada, haddii aad wax qortay sida, xusuus qor, haddii ay jiraan dhaawacyo hore oo sawirro ama hab kale loo diiwaan galiyey. Taasi waxay noqon kartaa caddeyn muhiim ah.

Taageerada nidaamka sharciga

Waxaad xaalladaha badankood xaq u leedahay inaad qof ku caawiya soo kaxeysato markaad booliska la kulmeyso. Adiga ayaa go’aaminaaya cidda qofka taageerada kuu noqon doonta. Waxuu noqon karaa saaxiib, qof kamuunka u shaqeeya ama qof ka socda urur samofal. Qofka ku caawinayaa waa inaanu noqon qof aad taas lacag ku siineyso.

Waxaad sidoo kale heli kartaa wakiil sharci. Haddii laguu ogolaado ayay bilaash tahay. Wakiilka sharcigu waxa uu kaa taageeri doonaa dhamaan nidaamka sharciga. Haddii aad wakiil sharci rabto, ayaad taas kala hadlaysaa booliska ama xeer ilaaliyeha.

Dambi baadhista iyo maxkamada

Marka baaritaanka dambiga la dhameeyo ayuu xeer ilaaliyuhu go’aaminayaa haddii ay jiraan wax xukun keeni kara. Markaas ayaa adiga iyo qofka dembiga lagu tuhumnsan yahay maxkamad lagu wareysan doonaa ka dibna maxkamada ayaa go'aan ka gaadhi doonta. Waxay dhacda in kiisaska la xidho. Mararka qaarkood waxay taasi u dhacdaa cadeyn la'aan. Taasi macnaheedu ma aha in booliiska iyo xeer ilaaliyehu aanay waxa uu dhibanahu sheegay rumeysneyn, ee laakiin waa inaanay suurtogal ahayn in kiis xukun uu keeno marka laga eego macluumaadka la hayo. Kiiska ayaa dib loo bilaabi karaa haddii macluumaad cusub la hello. 

Taageero iyo caawimo

Waxaad la xidhiidhi kartaa booliska si aad taageero iyo caawimo ugu hesho marka danbi dadka xidiidhka dhow wada leh laguu geystay. Booliisku waxa uu caadi ahaan sameeyaa qiimeyn haddii aad halis ugu jirto in mar kale danbi laguu geysto iyadoo haddii loo baahdo siyaabo kale ay kuu caawin karaan, tusaale ahaan alaarmka qeyliyey marka lagu soo weeraro.

Ururo samofal oo caawiya dhibaneyaasha dambiga laga galay ayaa laga heli karaa meelo badan oo dalka. Waxaad kuwaas heli kartaa iyada oo la soo maraayo Kvinnofridslinjen iyo Brottsofferjouren. Kvinnofridslinjen waa khad qaran oo taageero telefoonka ah halkaas oo qof walba, xataa raggu, ay bilaash ku soo wici karaan. Khadku wuxuu furan yahay saacad kasta waxaad noqon kartaa qof aan magaciisa la sheegin. Inaad halkaas soo wacday ayaan laga arki doonin biilkaaga telefoonka. Waxaad sidoo kale taas ka tirtiri kartaa liisada meelaha aad telefoonkaaga ka wacday. RFSL - Riksförbundet för sexuellt likaberättigande waxay leedahay TBTQ ga. Haddii aad ilme yar ama dhalinyar tahay oo laguu geystay ama aad aragtay rabshadaha guriga, ayaad wici kartaa BRIS  si aad caawimo iyo taageero ugu hesho. Waxaad sidoo kale waci kartaa booliiska. 

Magdhowga dhibbanayaasha

Qofka denbi loo geystey waxa uu xaq u yeelan karaa magdhow, laakiin markaa waxa loo baahan yahay inay jirto dacwad boolis. Haddii ay dacwadi jirto, ayaad sidoo kale fursad u heli kartaa inaad shirkaddaada caymiska magdhow ka dalbato. Carruurta markhaatiga ka noqota rabshadaha dadka xidhiidhka dhow wada leh ayaa loo arkaa inay yihiin dhibanayaal dambi, iyagoo sidaas darteedna xaq u leh magdhowga dhaawaca dembiga. 

Wixii magdhow ku saabsan ka eeg bogga Brottsoffermyndigheten ee. 

Wax dheeraad ah ka akhri:

Mer på svenska om brott i nära relation

Mer på svenska om hedersrelaterade brott