Warbixin guud oo ku saabsan deegaannada amnnigooda loo sugo

Ka dib go’aan uu soo saaray baarlamaanku 2024, ayaa booliisku hadda uu awood u leeyahay in uu go’aamiyo deegaanno amnigooda loo sugo, ama sida loo yaqaanno ’deegaanno laysku baadho’.

Qofka deggan ama ka shaqeeya deegaanku, waxa uu dareemi karaa in uu booliisku joogo, oo uu samaynayo kontaroollo ka hortag ah. Waan soo dhawaynaynaa in aad noo timaaddo ood nala hadasho haddii aad su’aal qabto.

Booliisku waxa uu u go’aamiyaa deegaanno amnigooda loo sugo si uu u dejiyo rabshado soo noqnoqday. In joogitaanka booliisku badanyahay waxa ay keeni kartaa in ay baaqdaan faldembiyeedyo, waxana ay kor u qaadaysaa amniga iyo xasilloonida.

Ujeeddadu waa in ay ku adkaato dembiilayaasha in ay isku diyaarshaan oo ay fuliyaan faldembiyeedyo iyo rabshado culus. Waxa aan tusaale ahaan rabnaa in aan baajinno aargoosi la filanayo in uu ka dhex qarxo labo koox-dambiyeedyo.

Sharcigu waxa uu dhigayaa in ay deegaanka ka jirto “khatar dhab ah” oo faldembiyeed si uu booliisku u go’aamiyo calaamadin ah in deegaanka amnigiisa loo sugo, isla markaasna deegaanka amnigiisa la sugo uu ”aad muhiim” ugu yahay ka hortagga iyo baajinta faldembiyeedyadaasi.

Maxaa Lagu Garan Karaa Deegaannada Amnigooda loo Sugo?

Deegaannadan waxa uu booliisku baadhi karaa dadka iyo gaadiidka iyada oo uu jiro tuhun dembi oo ka hooseeya ka sida caadiga ah booliisku wax ugu baadho meelaha ka baxsan deegaanka. Baadhitaannada oo dhan waa la diiwaangelinayaa.

Siduu Booliisku u Dooranayaa Dadka ay Kontaroolayaan?

Si la mid ah sida caadiga ah waxa uu booliisku samaynayaa qiimayn ku salaysan warbixinnada iyo xogta sirta ah ee uu hayo oo dhan.

Qaabkee Loo Samaynayaa Kontaroolka?

Waxa uu u ekaan karaa kontaroollada baadhitaan ee ka dhaca madaarrada diyaaradaha.

Ku Saabsan Go’aanka

Go’aan kastaa waxa uu shaqaynayaa labo toddobaad, waana la dheerayn karaa marka uu dhammaado. Go’aanka waxa laga qaadan karaa racfaan.

Tillfälliga säkerhetszoner hjälper polisen förhindra brott
Frågor och svar om säkerhetszoner