Welwel ku aaddan cunfi

Trygga hem – utan våld Degerfors

Cid ayaa ka welwelsan inuu xiriirkiinna ka dhex dhaco cunfi, sidaas darteed ayuu boliisku idiinkugu yimid guriga.
 

Keligiin maahidina. Dad badan ayaa ku nool xiriir uu ka dhex dhaco cunfi. Cunfigu wuxuu saameeyaa qoyska oo dhan, carruurta, iyo saaxiibbada idinku hareereysan. Habdhaqan cunfi ah wuxuu noqon karaa in uu qofku qablamo, si fudud u caroodo, dhaho waxyaabo xun-xun, wax tuur-tuuro ama uu isticmaalo cunfi dhaqaale. Habdhaqan dembiilanimo iyo cunfi ah, tusaale ahaan waa in wax la handado, la dilo, la laado, la kala tuuro, la xakameeyo, la kufsado, la geysto faraxumeyn galmo, meel ka dhac, dabagal ama waxyeello loo geysto hantida xigtada.
 

Trygga hem – utan våld waa iskaashi u dhexeeya booliska, ciidamada asluubta, degmada, laamaha caafimaadka iyo guddiga gobalka

Waxaan wadajir uga shaqeynaa inuu joogsado cunfiga ka dhex dhaca dadka xiriirka dhaw leh. 

         Bulshadu uma dulqaadaneyso cunfiga.

         Ma rabno in ay cidi ka cabsato cid xigtadeeda ah.

         Ma rabno in ay carruuri ku dhex korto qoys cunfi ka dhex jiro.
 

Waxaa jirta caawimaad la heli karo 

Waxaan halkan u joognaa idinka, waxaanna idiin siineynaa taageero iyo caawimaad. Waxaan rabnaa in ay qoysasku fursad u helaan in ay ku noolaadaan si nabad ah oo aan cunfi lahayn. Waxaan tusaale ahaan bixinnaa taageero iyo badbaado loogu tala galay carruurta haddii jiraan xaalado degdeg ah, wadahadal taageero, caawimaad ah in laga shaqeeyo sidii aad uga gudbi lahayd wixii laguu geystay, caawimaad xagga balwadda, hoyga iyo dhaqaalaha ah. Waxaan xiriir la leennahay ururro ku kala baahsan gobalka oo sidoo kale caawimaad bixiya.
 

Na soo wac – waxaan halkan u joognaa adiga!   

Waa nala heli karaa, waxaanna bixinnaa caawimaad degdeg ah iyo taageero. 

Xaalad degdeg ah, cunfi socda

Wac 112

Talo ama in dembi la soo sheego

Booliska ka wac 114 14

Talo ama in caawimaad la codsado

Wac Sooshaalka 0586-48100

Talo ama in caawimaad la codsado waqtiga heeganka

Wac heeganka Sooshaalka 112

Khadadka taageerada ee loogu tala galay adigaaga loo geystay cunfiga

Khadka heeganka ee nabadgelyada haweenka 116 016

Khadka taageerada ee loogu tala galay ragga 020-80 80 80

Khadka taageerada ee loogu tala galay dadka jinsiga beddesha 020-55 00 00