Soomaali (Somaliska)
Boggan waxaan ku ururinnay macluumaad loogu tala galay adigaaga ku hadla af-Soomaaliga
Dembi ka dacwoo ama booliska wargeli
Wac 114 14 ama tag saldhig boolis.
Haddii aad ka soo wactameyso dal kale ama aad Iswiidhan ku haysato teleefan dibadda ah, wac +46 77 114 14 00.
Soo wado saaxiib ku hadla Iswiidish. Booliska waxaa jooga dad ku hadla luqado badan oo kala duduwan, laakiin ma ballan qaadi karno in ay joogto cid ku hadasha gaar ahaan luqaddaada.
Wac 112 haddii uu dembigu hadda dhacayo ama haddii ay naftaadu halis ku jirto.
Ma isticmaalaa booliska turjubaanno?
Haa, booliska wuu isticmaalaa turjubaan marka la billaabo baaritaanka dembiga.
Ma kugu adagtahay inaad wax aragto ama wax maqasho?
Haddii ay kugu adagtahay inaad wax aragto waxaad kula xiriiri kartaa booliska teleefanka sawirka. Haddii ay kugu adagtahay inaad wax maqasho waxaad kula xiriiri kartaa booliska teleefan qoraalka.
Kula xiriir booliska teleefanka sawirka, teleefanka qoraalka ama teleefanka hadalka
Ma kaa dhumeen baasaboorkaaga, leysinkaaga ama waraaqahaaga aqoonsigu?
Booliska kusoo wargeli.
Ma muhiimbaa in dembi la soo sheego?
Haa, boolisku wuxuu doonayaa in dhammaan dambiyada laga shakisanyahayla soo sheego.
Ku cusub Iswiidhan (Iswiidhish ah)
Polisen.se oo ah Iswiidish fudud
Ku saabsan booliska – Loogu tala galay Iswiidhishka luqad labaadda ah
Polisen.se oo Ingiriis ah