Jooji dembiilonimada
Miyaad baqaysaa adigu, adiga ama qoyskaaga miyaa loo hanjabay? Ma dembiyo ayaad gashay oo saaxiibo dembiilayaal ah ayaad leedahay?
Sidan ayaad samayn kartaa haddii aad rabto inaad joojiso dembiilonimada oo aad u baahan tahay caawimo ay ku siiyaan booliiska ama adeegga bulshadu.
Waxay u muuqan kartaa inaad ku xiriir la leedahay dembiilonimada markay saaxiibadaa ama adiga naftaadu aad ku lug leedahay arrintaas. Waxaa laga yaabaa inaad u aragto in aan waxba laga qaban karin, in wakhtii wax laga qaban lahaa ay dhaaftay, ama aanad qofna ku kalsoonaan karin. Laakiin taasi sax ma aha. Haddii aad caawimo raadsato, inta badan waad heli kartaa.
Qaado caawimada, keligaa ma tihid
Keligaa kuma tihid fikradahaaga oo had iyo jeer waxaa jira caawimo la heli karo. Waxaa laga yaabaa inay kugu adkaato inaad caawimo weydiisato, laakiin adiga iyo qoyskaagu waa in ay daan cabsan. Uma baahnid inaad qofna u sheegto dembiyada ay saaxiibbadaa galeen, waxaadna heli kartaa caawimo xitaa haddii aad adigu dembi hore u gashay.
Caawimadee ayaad u baahan tahay adigu?
- Xiriirka dadka waaweyn kaas oo kaa caawin doona inaad ka baxdo dembiilonimada
- Caawimo si aad u hesho xiriiro cusub oo wanaagsan.
- Ammaan adiga iyo qoyskaaga ah
- Caawimo si aad uga fikirto mustaqbalka - waa maxay riyooyin aad leedahay?
Qaad tallaabada ugu horeysa
Nala soo xiriir annaga
Lambarka booliiska 114 14 wuxuu furan yahay habeen iyo maalin walba, dhammaan maalmaha sannadka oo dhan. U sheeg inaad rabto inaad la hadasho isku-duwaha ka bixitaanka dembiyada. Soo wac 112 haddii dembi hadda dhaco.
Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa adeegga bulshada ee degmada. Adeega bulshadu waxay taageero siiyaan dhalinyarada doonaysa inay joojiyaan dembiyada. Su'aalo ayaad si qarsoodi ah ugu weydiin kartaa adeega bulshada taageerada aad heli karto. Degmooyinku waxay furan yihiin isniin ilaa jimce, maalintii.
Halkan waxaa ku qoran liiska lambarada telefoonada ee degmooyinka dhammaantood
Booliiska iyo adeegga bulshada ayaa adiga iyo baahiyahaaga ka wada shaqeyn doona, waxaana loo baahan yahay inaad la shaqayso iyaga.
Maxaa dhacaya markaa kadib?
Markaad la hadasho booliiska, waxay ku waydiin doonaan xaaladaada iyo sida laguugu hanjabey, si ay u ogaadaan inaad ilaalo u baahan tahay. Booliisku waxay ku weydiinayaan noloshaada iyo nolosha qoyskaaga, asxaabtaada iyo dugsigaaga.
Maxaad idinku ballan qaadi kartaan?
Taageerada iyo caawinta aad heli karta way kala duwanaan doontaa, iyadoo ku xidhan tahay xaaladaada gaarka ah. Si kastaba ha ahaateew wax kasta oo dhaca, hey’adduhu waxay isku deyi doonaan inay go'aanka ugu fiican u gaaraan adiga iyo qoyskaaga, iyaga oo raacaya sharciga.
Sluta med kriminaliteten
Leave criminality
Criminal networks are recruiting children
توقف عن الإجرام
خلافکاری را کنار بگذارید
Khadadka taageerada
Badbaadi carruurta (Rädda barnen)
Lilla Krisinfo
BRIS
Heeganka dhibbanayaasha dembiyada (Brottsofferjouren)
Jagvillveta.se
Kollpasoc.se