Sök

Dhibanayaasha Dambi Galmo

Haddii aad u bandhigantay kufsi ama xadgudub kale ee galmo, waa inaad la xiriirtaa booliiska sida ugu dhakhsiyaha badan. Raad, kaas oo muhiim ku noqon kara maxkamad, wuxuu jiri karaa hoogaho wakhti ah kadib dhacdadu markay dhacday.

Soo gudbi dambi

Xaaladaha degdega ah

Wac 112 haddii aad u bandhigantay dambi ama aad aragto dambi la galayo.

Xaaladaha aan-degdega ahayn

Wac 114 14 ama booqo booliis isteenshin. Macluumaadka xiriirka ee ku qoran Swedish

Kaalmo iyo taageero

Haddii aad tahay dhibane galmo, waxaad la xiriiri kartaa booliiska wixii taageero iyo gargaar ah. Raadi booliis isteeshinka kuugu dhow ama wac 114 14. Haddii ay tahay arrin degdeg ah ama dhacaysa, wac 112. booliiska ayaa qori doona riboot, laakiin waxaad sidookale ka jawaabi kartaa su'aalo ama kuu gudbin karaa urur gargaar.

Ururada aan macaash-doonka ahayn ee leh qadad loogu talagalay dhibanayaasha ayaa laga helaa degmooyin badan ee waddanka ah. Waxaad ka heli kartaa, tusaale, adigoo u mara Victim Support Association ee Kvinnofridslinjen.

Kvinnofridslinjen waa qad taageero qaran ee qofwalba, xitaa ragga, u soo wici karaan si bilaash ah kana heli kara waano, taageero iyo gargaar.

Leemanka ayaa la socdaan wakhti kasta shaqaale tababarn kuwaas oo aadeystay la macaamulida dadka kujira dhibta ama xaalado nololeed ee adag. Waxaad ahaan kartaa qof qarsoon. Wicitaankaaga kuma diiwaan galmi doono biilkaaga taleefonka. Iskaashiga Taageerada Dhibanaha (Victim Support Association) waxey sidookale leeyihiin xarun aad wici karto.

Websayidka Kvinnofridslinjen

Websayidka Iskaashiga Taageerada Dhibanaha

muhiimada soo sheegida

Soo sheeg dambiga sida ugu dhakhsaha badan adigoo raadinaya booliis isteeshinka kuugu dhow ama wacaya 114 14. Haddii ay degdeg tahay, wac 112. Adigoo buuxinaya riboot booliis, waxaad suuraglineysaa awooda ah in eedeysanaha dacwad lagu soo oogo. Riboot ayaa sidookale ka hor istaagi kara dambiilaha inuu dad kale dhibaateeyo. Ribootka ayaa lagaama maarmaan kuu ah si aad u hesho magdhow laga helo Maamulka Magdhowga iyo Taageerada Dhibanaha Dmabi ee Swedish mararka aanu dambiiluhu lagu xiri karin fal dambiyeedka. Adigu, hase yeeshee, kuma qasbanid inaad soo sheegto dambiga.

Maamulka Magdhowga iyo Taageerada Dhibanaha Dambiile ee Swedish

Si loo tixgeliyo marka la xareynayo riboot.

Waa muhiim in la keydiyo raad caddeyn ah oo jiri kara. Waxaa tani kujira ilaalinta dharka, waraaqaha, iyo, tusaale, gabalada timaha ah si loo helo DNA ama raad kale oo lagu adeegsan karo caddeyn ahaan maxkamad gudaheeda.

Dhibane ahaan, waa in lagu baaraa sida ugu dhakhsaha badan ee shilka kadib ee qol arrimo degdeg ah gudihii, uu ku baaro dhakhtar taranka ah, ama xarumaha kale ee u gaarka ah dhibanayaasha kufsi ee laga helo degmooyinka qaar.

Ururinta caddeyn dambi galmo, agabyo uruin caddeyn oo gaar ah ayaa la heli karaa si looga caawiyo dhakhtarka baaritaanka. Shaqaalaha caafimaadka waxey ururiyaan sambalo dhowr ah oo caddeyn kara caddeyn muhiim ku ah maxkamadeyn. Wixii dhaawacyo ah waa qoraa waana la sawiraa.

Haddii aad la xiriirtid booliiska si toos ah kadib dhaco, waxey kuugu caawin karaan ururin caddeyn waxeyna xaqiijin karaan in uu dhakhtar ku baaro.

Haddii aadan rabin inaad xareysid riboot, si kastaba waa muhiim inaad martid baaritaan caafimaad oo wixii caddeyn ahna la keydiyo haddii aad xili dambe go'aankaaga bedesho.

Taageero lagu helo nidaamka sharciga

Kiisaska badan, waxaad xaq u leedahay inaad keensato qof ku taageera markaad booliiska soo booqaneysid. Xor baad u tahay inaad go'aansato cidda noqoneysa qofka ku taageera. Wuxuu noqon karaa saaxiib, sarkaal ka socda adeegyada bulshada ama qof ka socda urur taageero ee dhibane ama haween. Qofka taageera kuma heli doono wax lacag ah ku lug-lahaanshahooda.

Waxaad sidookale heli kartaa la-talin ee cida dhaawacantay, 'matalaad' sharci ah. Haddii la ogolaado, adeegan waa lacag la'aan. La-talinta qof dhaawac ah wuxuu kuugu taageeri doonaa nidaamka sharciga oo idil. Haddii aad doorbidid inaad heshid talo, u gudbi tani booliiska ama xeer ilaaliyaha.

Qeexitaanka dambiga

Dambi galmo waa weedh guud ee loo adeegsado kufsi, sii xumeyn kufsi, kufsi cunug, galmo xoog ah, ka faa'iideysi galmo, xadgudub galmo, iibsiga adeegyo galmo, gadasho, iyo kuwo kale. Dambi galmo wuxuu dhacaa markii laguu bandhigo ficil galmo ka dhan ah rabitaankaaga. Haddii aad ka hooseyso 15 sanno jir, ficil galmo waxaa loo qodobeyn karaa xaalad gooni ah.

Mer om sexualbrott på svenska